Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wicitaanka: Doorashooyinka Puntland


Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Somalia Nicholas Kay ayaa dhawaan booqday magaalada Garowe ee xarrunta maamulka Puntland.
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Faroole iyo Ergayga Qaramada Midoobay ayaa ka wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen doorashooyinka Puntland ee soo socda, Amaanka iyo siyaasada iyo arimo kale.

Madaxweyne Farole waxa uu warbaahinta u sheegay inay u xaqiijiyeen Qaramada Madoobay in si nabadgelya ah ay u dhici doonaan doorashooyinka Puntland ee la filayo inay qabsoomaan bisha Jan, 2014ka oo maalmo yar un ay naga xigaan.
Hadaba hanaanka ay wax ku socdaan, diyaargarowga loogu jiro doorashada, qaabka laga filan karo inay u dhacdo, kaalinta ay haweenka ku yeelan doonaan kuraasta baarlamaka , xaqiijinta amaanka iyo madaxbanaannida dhinacayada ku baratamaya doorashada ayaan ku lafa gureynaa banaamijkeena wicitaanka dhageystaha ee todobadaadkan oo uu marti ku yahay Cabdi Qafaar Cabdi Wardheere, oo ah Aqoonyahan falanqeeye arimaha Somalia, kana soo jeeda Puntland. Inta uu barnaamijka socdana waxaa su’aalo ku weydiin doona qaar ka mid ah dhageystayaasheena oo meela kala duwan jooga.


please wait

No media source currently available

0:00 0:33:50 0:00
XS
SM
MD
LG