Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Lampedusa: Baroordiiq loo Sameeyay Dadkii Dhintay


Biyaha badda oo kacsan ayaa sababay inay adkaato in la helo Tahriibayaal badan oo afrikaan ah oo ay dooni kula degtay agagaarka jasiiradda Lampadusa ee dalka Talyaaniga.

Shaqaalaha gurmadka ayaa illaa imika soo saaray maydka 111 qof , iyada oo la filayo in qaar kalena laga soo saaro burburka doonta.

Sidoo kale waxaa la soo badbaadiyay 155 qof oo ka mid ah rakaabka doontaasi oo la qiyaasayo inay saarnaayeen 500 oo qof.

Hay’adda qaxootiga ayaa sheegtay in 154 ka mid ah dadka la badbaadiyay ay ahaayeen dad u dhashay Ertirea, iyo hal qof oo u dhshay Tunisia.

Dawladda Talyaaniga ayaa ku dhawaaqaday maalin tacsi qaran ah dadka dhintay awgood.
XS
SM
MD
LG