Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda Todobaadka iyo Dhalinyarada Minnesota


Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka, waxaa uu ku saabsanyahay dhalinyarada Soomaalida ah ee ku nool Maraykankana gaar ahaan gobolka ay Soomaalidu u badantahay ee Minnesota iyo saamaynta ay ku yeesheen dhalinyardii hore ugu biirtay al-Shabab.

Walaac badan ayaa ka dhashay markii ay soo baxeen warar aan la xaqiijin oo sheegaya in dhalinyaro kale oo ka tagtay gobolkaas ay ka mid ahaayeen dadkii gaystay weerarkii Westgate ee Nairobi, inkasta oo aan ilaa imika la xaqiijin .

Barnaamijka oo uu diyaariyay Haaruun Macruuf ayaa lagu soo duubay gobolka Minnesota mar uu dhawaan halkaasi socdaal ku tagay.

Barnaamijka waxaa ka qayb qaadanaya dhalinyarada kala ah:

Cabdimaalik Xasan Maxamed oo ka tirsan ururka “KA JOOG” oo ka shaqeeya arrimaha dhalinyarada.

Cismaan Xuseen Tahliil oo ka tirsan hay’ad lagu magacaabo “SHANTA”.

Siciido Shaaciye oo guddoomiyaha gobolku u magacaabay arrimaha dhalinyarada.

Qaasim Cabdiqaadir oo ka tirsan Masjidka Dacwah eemagaalada St Paul.

Barnaamijka oo dhan hoos ka dhegayso.


please wait

No media source currently available

0:00 0:34:30 0:00
XS
SM
MD
LG