Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda Todobaadka iyo Weerarkii Westgate


Barnaamijka Faaqidaada Todobaadka waxa uu ku saabsan yahay Weerarka lagu qaaday xarunta ganacsiga Westland ee magaalada Nairobi iyo sidoo kale falal qaraxyo ah oo laga gaystay meelo kala duwan oo ka mid ah gobolka woqooyi bari ee dalkaasi Kenya.

Barnaamijka ayaa faaqididoona saamaynta ay arrimahaasi ku yeelan karaan xasiloonida waddamada ku yaala geeska Africa.

Waxa kale oo ay aqoonyahanadu falanqayn doonaan cududda haatan ee ururka Al-Shabaab iyo cidda ay masuuliyadu ka saran tahay amaanka Somalia iyo guud ahaan dalalka gobolka.

Barnaamijka waxa ka qayb qaadanaya :

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo muddo dheer culuumta dhaqaalaha iyo Siyaasadda dunida ka dhigayay Machadka James Wallace ee Jaamacadda Macalester College ee gobolka Minnesota .

Cabdi Diirshe oo ah Aqoonyahan Soomaliyeed oo bartay Political Science-ka haatanna madax ka ah ururka qurbe joogta Somalia ee ku dhaqan Canada.

Prof. Liibaan Cabdilaahi Cigaal oo wax ka dhiga Jaamacadda George Mason University ee gobolka Virginia.

Barnaamijka waxaa soo diyaarsiay Sahra Ciidle Nuur , fadlan isaga oo dhan qaybta hoose ka dhegayso.


please wait

No media source currently available

0:00 0:37:25 0:00
XS
SM
MD
LG