Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gud. Ku-xigeenka Degmada Yaaqshiid oo la Dilay


Kooxo hubeysan ayaa magaalada Muqdisho ku diley Guddoomiye Ku xigeenkii degmada Yaaqshiid ee magaaladaas

Marxuumadda la diley oo magaceeda la yiraahdo Raxmo Daahir Siyaad ayaa waxaa la diley xilli ay ku sii jeeddey gurigeeda, iyadoo ka soo baxdey xarunta degmada.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cusmaan oo dilka mas’uulkaasi u xaqiijiyey VOA ayaa sheegey in afar qof oo la tuhunsan yahay la qabtey, isla markaana ay socdaan baaritaano.
XS
SM
MD
LG