Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Morsi oo Diiday Go'aanka Ciidamada Masar.


War cad oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa gaashaanka ku dhuftay wakhtiga loo qabtay madaxweyne Mursi iyo hogaamiyayasha mucaaradku inay xaliyaan khilafadkooda, iskuna waafaqaan wadadii la qaadi lahaa.

Warkaasi cad ayaa lagu sheegay in go'aanka ciidanka aan lagala tashan madaxweynaha, sidoo kalena uu Mursri ku sii dheganaan doono qorshayaashiisa dib u heshiisiinta qaran ah, iyadoon loo aabayeelayn bayaannada sii kala qaybinaya dadka Masar.

Wasiirka gaashaandhiga ee dalka Masar General Abdel Fattah el-Sissi ayaa shalay soo saaray bayaanka muddada kama dambeeysta ah ee 48-ka saacadood, kadib markii dhowr toddobaad ay banaanbaxyo ka socdeen dalkaasi iyo gacan ka hadal ay ku dhinteen 16 qof.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Maxamed Kamel Amr ayaa gudbiyay iscasilaadiisa, waxaana ilaa iyo Axaddii iscasilay ugu yaraan 4 wasiir.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo booqanaya dalka Tanzania ayaa sheegay in dunidu ay isha ku hayso xaalada dalka Masar.

Obama ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin waxa ka socda dalkaasi, wuxuuna ka codsaday madaxweyne Mursi iyo mucaaradkaba inay khilaafadkooda ku xaliyaan wadahadal.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:14 0:00
XS
SM
MD
LG