Madaxweynaha Masar Maxamed Mursi ayaa sheegay in dalkiisu uu xiriirkai diblomaasi u jaray xukuumadda Suuriya ee uu Madaxweynaha ka yahay Bashaar Al-Assad. Masar ayaa sheegtay inay xirayso safaaradda Suuriya ee Qaahira, dibna ula soo noqonaysa danjirihii Masar ee Suuriya fadhiyey. .
Madaxweynaha Masaarida oo xalay hadal ka jeediyay kulan lagaga hadlayay sida loogu gargaari karo shacabka Suuriya ayaa, sidoo kale, ugu baaqay in ururka Xizbullah inuu ciidamadiisa kala baxo dhulka Suuriya.