Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Uhuru Kenyatta oo la Caleemo-saaray

Uhuru Kenyatta oo Jagada madaxweynenimo loo dhaariyey, xilkana kala wareegay Mwai Kibaki oo dhinaca bidix ee sawirka ka muuqda.
Uhuru Kenyatta oo Jagada madaxweynenimo loo dhaariyey, xilkana kala wareegay Mwai Kibaki oo dhinaca bidix ee sawirka ka muuqda.
Madaxweynaha cusub ee Kenya Mr. Uhuru Kenyatta, ayaa maanta lagu caleema saaray xaflad weyn oo ka dhacday garoonka ciyaaraha ee kasarani stadium ee magaalada Nairobi.

Xafladda caleema-saarka Mr. Kenyatta ayaa waxaa ka soo qeyb galay in ka badan 100,000 oo qof oo ay ku jiraan ilaa iyo 15 hogaamiye oo ka kala socday wadamada caalamka.

Mr. Uhuru Kenyatta ayaa noqonaya madaxweynihii afaraad ee dalka kenya uu yeesho, waxaana aabihii Jomo Kenyatta uu ahaa madaxweyhihii ugu horeeyey ee ay Kenya yeelato.

Mr. Kenyatta iyo ku-xigeenkiisa William Ruto, ayaa maxkamadda caalamiga ah ee danbiyada ay u heystaa eedo la xiriira inay lug ku lahaayeen danbiyo ka dhan ah aadanaha kadib qalalaasihii ka dhashay doorashadii Kenya shan sano ka hor oo dad badan ay ku dhinteen.

Madaxweynaha cusub ee Kenya oo 51 jir ah ayaa noqonaya madaxweynihii ugu da’da yaraa ee ay yeelato Kenya.

Warbixinta caleemasaarka Uhuru Kenyatta halkan hoose ka dhageyso

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:40 0:00

Warbixin ku saabsan taariikh nololeedka Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo falaqeyn la xiriirta waxyaabaha looga fadhiyo inuu wax ka qabto halkan hoose ka dhageyso.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:09:25 0:00

Uhuru Kenyatta oo la Caleemo-saaray

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo dhaaranaya iyadoo ay xaaskiisa Margaret ay u heyso bibile-ka uu ku dhaaranayo intii xafladda caleema-saarku ka socotay garoonka Kasarani ee magaalda Nairobi.
1/8 Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo dhaaranaya iyadoo ay xaaskiisa Margaret ay u heyso bibile-ka uu ku dhaaranayo intii xafladda caleema-saarku ka socotay garoonka Kasarani ee magaalda Nairobi.
Madaxweynaha cusub ee Kenya ayaa maanta xilka madaxweynaha loogu dhaariyey munaasabad ka dhacday garoonka Kasarani Stadium ee Nairobi.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo gacanta ku haya bible iyadoo loo dhaarinayo xilka madaxweynaha 4aad ee Jamhuuriyadda Kenya waxaana hareer taagan xaaskiisa Margaret Uhuru.
2/8 Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo gacanta ku haya bible iyadoo loo dhaarinayo xilka madaxweynaha 4aad ee Jamhuuriyadda Kenya waxaana hareer taagan xaaskiisa Margaret Uhuru.
Madaxweynaha cusub ee Kenya ayaa maanta xilka madaxweynaha loogu dhaariyey munaasabad ka dhacday garoonka Kasarani Stadium ee Nairobi.
Madaxweynaha xilka ka dagaya ee Kenya Mwai Kibaki oo dhex lugeyna garoonka ay ka dhaceyso xafladda caleema-saarka madaxweynaha cusub  Uhuru Kenyatta, isagoo ay hareer socdeen ciidamadu.
3/8 Madaxweynaha xilka ka dagaya ee Kenya Mwai Kibaki oo dhex lugeyna garoonka ay ka dhaceyso xafladda caleema-saarka madaxweynaha cusub  Uhuru Kenyatta, isagoo ay hareer socdeen ciidamadu.
Madaxweynaha cusub ee Kenya ayaa maanta xilka madaxweynaha loogu dhaariyey munaasabad ka dhacday garoonka Kasarani Stadium ee Nairobi.
Madaxweynaha xilka wareejinaya Mwai Kibaki oo gaari dusha ka furan ku dhexmaraya garoonka Kasarani oo xaflaadda caleema-saarka Uhuru Kenyatta ay ka dhaceyso.
4/8 Madaxweynaha xilka wareejinaya Mwai Kibaki oo gaari dusha ka furan ku dhexmaraya garoonka Kasarani oo xaflaadda caleema-saarka Uhuru Kenyatta ay ka dhaceyso.
Madaxweynaha cusub ee Kenya ayaa maanta xilka madaxweynaha loogu dhaariyey munaasabad ka dhacday garoonka Kasarani Stadium ee Nairobi.
Kooxda ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo maaweelinaysa martidii ka soo qeyb gashay xafladda caleema-saarka  oo ka dhaceysay garoonka Kasarani ee magaalada Nairobi.
5/8 Kooxda ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo maaweelinaysa martidii ka soo qeyb gashay xafladda caleema-saarka  oo ka dhaceysay garoonka Kasarani ee magaalada Nairobi.
Madaxweynaha cusub ee Kenya ayaa maanta xilka madaxweynaha loogu dhaariyey munaasabad ka dhacday garoonka Kasarani Stadium ee Nairobi.
Qof ka mid ah kooxda ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Kenya oo martida maaweelinaya ka hor inta aan la dhaarin Uhuru Kenyatta.
6/8 Qof ka mid ah kooxda ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Kenya oo martida maaweelinaya ka hor inta aan la dhaarin Uhuru Kenyatta.
Madaxweynaha cusub ee Kenya ayaa maanta xilka madaxweynaha loogu dhaariyey munaasabad ka dhacday garoonka Kasarani Stadium ee Nairobi.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo markii la dhaariyey kadib seef gaara oo muujineysa inuu la wareegay awooddii dalka Kenya ka guddoomay madaxweynaha xilka wareejiyey ee Mwai Kibaki.
7/8 Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo markii la dhaariyey kadib seef gaara oo muujineysa inuu la wareegay awooddii dalka Kenya ka guddoomay madaxweynaha xilka wareejiyey ee Mwai Kibaki.
Madaxweynaha cusub ee Kenya ayaa maanta xilka madaxweynaha loogu dhaariyey munaasabad ka dhacday garoonka Kasarani Stadium ee Nairobi.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo xaaskiisa Margaret oo dadweynihii munaasabadda caleema-saarkiisa u gacan haadinaya
8/8 Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo xaaskiisa Margaret oo dadweynihii munaasabadda caleema-saarkiisa u gacan haadinaya
Madaxweynaha cusub ee Kenya ayaa maanta xilka madaxweynaha loogu dhaariyey munaasabad ka dhacday garoonka Kasarani Stadium ee Nairobi.
Previous slide
Next slide
XS
SM
MD
LG