Talaado, Bisha Afraad 21, 2015 Wakhtiga Geeska Afrika 05:55

War / Caalamka

Shirka Nuclearka Iran oo ka Furmay Kazakhstan

x
Wadamada dhanka quwadda ugu horeeya dunida iyo dalka Iran ayaa bilaabay wadahalo soconaya laba maalin oo looga wadaxaajoonayo barnaamijka nuclearka ee Tehran.
 
Wadahadalada oo maanta oo Jimce ah ka furmay magaalada Almaty ee dalka Kazakhstan, ayaa waxa ay u dhaxeeyaan wadanka Kazakhstan, shanta wadan ee Golaha Ammaanka joogtada ka ah, wadanka Germany iyo Iran.
 
Afhayeen u hadlay Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub Catherine Ashton, ayaa Jimcadan maanta ah u sheegay wariyayaasha in kooxdu ay rajeynayso in Iran ay ka jawaabi doonto talooyin loo soo jeediyey bishii February. Talooyinkaas oo ay ka mid ahaayeen in ay xirto xarun lagu farsameeyo nuclearka, iyo inay baabi’iso keydkeeda macdanta uranium-ta ee la naaxiyey, taa badalkeedana loo fasaxo Iran in qaar ka mid ah waxsoosaarkeeda ay iibgeyso kuwaasoo ay hadda saaranyihiin cunaqabateyno caalami ah.
 
Khamiistii shalayna madaxa wadaxaajoodka barnaamijka nuclear-ka ee Iran Saceed Jalili, ayaa dalbaday in wadamada dhanka quwadda ugu horeeya dunidu ay ogaadaan in Iran ay xaq u leedahay inay naaxiso macdanta uranium-ta
 
Mareykanka iyo xulufadiisa ayaa ku eedeeya Iran in ay kor u qaaday heerka naaxinta macdanta uranium-ta, taasoo qeyb ahaan ay si qarsoodi ah ugu sameyneyso hubka nuclearka. Tehran ayaa ku celcelisa in barnaamijkeeda nuclearka uu yahay mid nabadeed.

Video: Qaraxa QM ee Garowe

JavaScript wuu kaa dansan yahay ama waxaad haysataa Adeegga Flash Adobe Player oo qadiim. soo hel Flash player ugu danbeeyay.
Daawo: Qaraxa Garowe ee UNICEFi
|| 0:00:00
...  
🔇
X
20.04.2015 14:26

Barnaamijyada Idaacadda

  • Idaacadda Habeennimo
    60 min

    Idaacadda Habeennimo

    Idaacadda habeenimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey...

  • Idaacadda Fiidnimo
    60 min

    Idaacadda Fiidnimo

    Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey...

  • Idaacadda Galabnimo
    60 min

    Idaacadda Galabnimo

    Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka,...

  • Idaacadda Subaxnimo
    30 min

    Idaacadda Subaxnimo

    Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii...