Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faqidaadda: 10 Guuradii Dagaalkii Ciraaq


Muuqaalkii magaalada Baqdaad ee habeenkii ay ciidamada Mareykanku bilaabeen dagaalkii Ciraaq ee 20kii March,sanadkii 2003dii
Muuqaalkii magaalada Baqdaad ee habeenkii ay ciidamada Mareykanku bilaabeen dagaalkii Ciraaq ee 20kii March,sanadkii 2003dii
Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka waxa uu ku saabsanyahay sannadguuradii tobanaad ee ka soo wareegtay dagaalkii Ciraaq.

Barnaamijku waxa uu si gaar ah u faaqdi doonaa dhacdooyinkii taarikhiga ahaa ee ugu mudnaa intii uu dagaalku socday.

Sidoo kale Barnaamijka waxa uu iftiimin doonaa sababihii dhaliyay dagaalka iyo saamayntii uu caalamka ku yeeshay.

Barnaamijka waxaa ka qayb qaadanaya khubaro iyo diplomaasiyiin Soomaaliyeed oo aqoon u leh siyaasadda iyo dhaqaalaha caalamka.

Ka qayb galayaasha Baranaamijka waxaa ka mid ah Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo cilmiga siyaasadda iyo dhaqalaha caalamka ka dhiga Jaamacadda Macalester College ee dalka Maraykanka.

Sidoo kale waxaa ka qayb qaadanaya Danjire Cabdillaahi Aadan (Kongo) oo ahaa safiirkii ugu horeeyay ee Soomaaliya wakiil uga noqda dalka Ciraaq, iyo Cabdillaahi Xuseen oo ah qoraa Soomaaliyeed oo ka faalooda arrimaha bariga dhexe.

Barnaamijka oo uu isku soo duway Huseen Barre Aadan halkan hoose ka dhagayso.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:23 0:00
XS
SM
MD
LG