Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenyatta oo loo Doortay Madaxweynaha Kenya

Gudiga Doorashooyinka Kenya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Uhuru Kenyatta uu ku guuleystay doorashada madaxtinimo ee Kenya ee ugu horeysay tan iyo 2007dii.

Gudoomiyaha Guddigga Doorashooyinka Axmed Issaaq Xassan ayaa sheegay maanta oo sabti ah in Mr. Kenyatta uu helay 50.07% codadka, taasoo kaga filan in doorashada aan lagu celin.

Ra’isul Wasaaraha Kenya Raila Odinga, oo isaga kaalinta 2aad ka galay doorashada, helayna in ka badan 43 % ayaa sheegay maanta oo Sabti ah inuusan ku qabacsaneyn natiijada oo uu maxkamad u gudbin doona dacwad ka dhan aha.

Codbixintii Isniinta ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee Kenya ka dhacda tan iyo sannadkii 2007dii, markaasoo natiijada doorashadii ka dhacday dalkaasi lagu murmay oo rabshado ka dhashayna ay ku dhinteen dad ka badan 1,100 qof, 600 oo kun oo qofna ay ku bara baxeen.

Dhinaca kale maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ayaa dib u dhigtay dacwadda, ninka ay doorashada dhinac uga soo wada jeedaan Mr. Kenyatta, William Ruto.

Dacawadda oo loo mudeysnaa 10ka bishan April ee soo socota ayaa dib loogu dhigay ilaa iyo 28ka May.

Labadaba Ruto iyo Mr. Kenyatta ayaa waxey ku eedeysanyihiin inay gacan ka geysteen ama ay lug ku lahaayeen rabshadihii dalkaasi ka dhacay 2007 iyo 2008 ee ka dhashay doorashooyinka lagu murmay .

Khamiistiina Maxkamadda ICC ayaa dib u dhigtay dacwadii Mr. Kenyatta's oo iyana dhici laheyd bisha April dibna loogu dhigay ilaa iyo bisha July.

please wait

No media source currently available

0:00 0:13:35 0:00

Sawirro: Uhuru oo madaxweyne loo Doortay.

Madaxweynaha la doortay ee Uhuru Kenyatta oo u gacan haatinaya taageerayaashiisa kadib markii uu lagu dhawaaqay in doorashada uu ku guuleystay. Nairobi, Mar. 9, 2013.
1/7 Madaxweynaha la doortay ee Uhuru Kenyatta oo u gacan haatinaya taageerayaashiisa kadib markii uu lagu dhawaaqay in doorashada uu ku guuleystay. Nairobi, Mar. 9, 2013.
Uhuru Kenyatta ayaa loo doortay madaxweynaha dalka Kenya kadib markii uu ku guuleystay doorashadii dhacday Isniintii. Guddiga doorashada ayaa sheegay in Uhuru uu helay in kabadan 50%, halka Raila Odinga oo ku xigay uu helay 43%.
Taageerayaasha Uhuru Kenyatta oo u dabaaldeggaya guusha Uhuru.Nairobi, Mar. 9, 2013.
2/7 Taageerayaasha Uhuru Kenyatta oo u dabaaldeggaya guusha Uhuru.Nairobi, Mar. 9, 2013.
Uhuru Kenyatta ayaa loo doortay madaxweynaha dalka Kenya kadib markii uu ku guuleystay doorashadii dhacday Isniintii. Guddiga doorashada ayaa sheegay in Uhuru uu helay in kabadan 50%, halka Raila Odinga oo ku xigay uu helay 43%.
Taageerayaasha Uhuru Kenyatta oo u dabaaldeggaya guusha Uhuru.Nairobi, Mar. 9, 2013.Nairobi, Mar. 9, 2013.
3/7 Taageerayaasha Uhuru Kenyatta oo u dabaaldeggaya guusha Uhuru.Nairobi, Mar. 9, 2013.Nairobi, Mar. 9, 2013.
Uhuru Kenyatta ayaa loo doortay madaxweynaha dalka Kenya kadib markii uu ku guuleystay doorashadii dhacday Isniintii. Guddiga doorashada ayaa sheegay in Uhuru uu helay in kabadan 50%, halka Raila Odinga oo ku xigay uu helay 43%.
Uhuru Kenyatta oo soo bandhigaya shahaadada muujinaysa inuu xilka ku guuleystay taasoo ay siiyeen guddiga doorashadu markii ay natiijada ku dhawaaqeen. Mar. 9, 2013.
4/7 Uhuru Kenyatta oo soo bandhigaya shahaadada muujinaysa inuu xilka ku guuleystay taasoo ay siiyeen guddiga doorashadu markii ay natiijada ku dhawaaqeen. Mar. 9, 2013.
Uhuru Kenyatta ayaa loo doortay madaxweynaha dalka Kenya kadib markii uu ku guuleystay doorashadii dhacday Isniintii. Guddiga doorashada ayaa sheegay in Uhuru uu helay in kabadan 50%, halka Raila Odinga oo ku xigay uu helay 43%.
Booliska rabshaddaha ka hortaga oo ku sugan xaafadda isku-raranka ah ee Nyallenda ee magaalada  Kisumu, 350km (218 miles) u jirta caasimadda Nairobi Mar. 9, 2013.
5/7 Booliska rabshaddaha ka hortaga oo ku sugan xaafadda isku-raranka ah ee Nyallenda ee magaalada  Kisumu, 350km (218 miles) u jirta caasimadda Nairobi Mar. 9, 2013.
Uhuru Kenyatta ayaa loo doortay madaxweynaha dalka Kenya kadib markii uu ku guuleystay doorashadii dhacday Isniintii. Guddiga doorashada ayaa sheegay in Uhuru uu helay in kabadan 50%, halka Raila Odinga oo ku xigay uu helay 43%.
6/7

Taageerayaasha Raila Odinga oo ku sugan Mathare, Nairobi, Mar. 9, 2013.
7/7 Taageerayaasha Raila Odinga oo ku sugan Mathare, Nairobi, Mar. 9, 2013.
Uhuru Kenyatta ayaa loo doortay madaxweynaha dalka Kenya kadib markii uu ku guuleystay doorashadii dhacday Isniintii. Guddiga doorashada ayaa sheegay in Uhuru uu helay in kabadan 50%, halka Raila Odinga oo ku xigay uu helay 43%.
Previous slide
Next slide
XS
SM
MD
LG