Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Md Xasan: Yaan Lagu Deg-degin Federaalka


Madaxweyne Xasan Sheekh
Madaxweyne Xasan Sheekh
Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud oo maanta ka qeybgalay furitaanka kalfadhiga 2aad ee baarlamaanka ayaa sheegay in hirgalinta nidaamka federaalka uu u baahan yahay wakhti dheer oo aan lagu deg-degin.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in wakhi badan la siiyo nidaamka federaalka oo aan lagu deg-degin, wuxuuna sheegay in Soomaaliya federaal laga dhigo ay u baahan tayay wakhti badan.

Xasan Sheekh Maxamed ayaa sheegay in hay'addihii fulin lahaa nidaamka federaalku ay qaarna dhisan yihiin, qaar kalena u baahan yihiin in la dhiso si nidaam federaal ah oo aan burburin loo dhiso.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale kulankaasi ka sheegay wadahadalladii Somaliland iyo Somaliya oo uu sheegay inay labada dhinac waraaqo is-weydaarsadeen uuna filayo in horumar laga gaaro.

Xasan Sheekh wuuxuu ka hadlay doorashada la filayo inay ka dhacdo Kenya maalinimada Isniinta ah, wuxuuna sheegay inuu rajaynayo in doorashadaasi ay si nabad ah ku dhacdo.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa fadhigoodii labaad maanta furay kadib markii ay fasax ku maqnaayeen in muddo ah, waxaana la filayaa inay bilaabaan dooddo la xiriira dib u geesita shuruucda dastuurka.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:25 0:00
XS
SM
MD
LG