Thursday, July 24, 2014 Wakhtiga Geeska Afrika 15:59

War / Afrika

Kenya: Dad Badan oo ku Dhintay Shil Baabuur

x
Ugu yaraan  35 qof ayaa ku dhintey, 50 kalena waxay ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay meel u dhow degaanka Mwingi ee Bariga dalka Kenya.

Sarkaal u Hadley booliska  ayaa sheegey in gaariga shilka  galey uu ahaa bas ka yimid magaalada Nairobi.

Wararka ayaa sheegaya in dadka shilka dhintay ay ku  jiraan dad Soomaalia ah.

Baskan ayaa sidey dad u badan shaqaale ka hawlgala magaalada Nairobi oo ku sii jeeday degaanada miyiga si ay uga qeyb galaan doorashada maalinta Isniinta dhacaysa. 

Guud ahaan dalka Kenya ayaa dadku waxa ay u diyaar garoobayaan doorashada guud ee dalkaasi, iyadoo ay weli xasuustaan qalalaasihii ka dhashay doorashadii 2007dii ee madaxweynaha xilka ka dagaya ee Mwai Kibaki, ayna jirto cabsi ah in qalalaase kale dhacaan.

Warka shilka oo dhan halka hoose ka dhagayso.