Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Falanqayn ku Saabsan Xaaladda Kismaayo


Kismaayo
Kismaayo
Maalintii shalay waxaa Kismaayo tagay wafdi heer wasiir ah oo dawladdu halkaasi u dirtay.

Matt Bryden oo ah khabiir ku xeeldheer arirmaha Geeska Afrika iyo Soomaaliya, ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay VOA waxaa uu ku tilmaamay in Kismaayo ay hodan ku tahay dhinaca khayraadka, iyada oo deegaan u ah dad badan oo kala duwan taasi oo keeni karta in ay halis u noqoto khilaafaad soo noq noqda haddaan is afgarad iyo wada noolansho lagu heshiin.

Kismaayo waa muhiim waana in dawladdu ku dadaashaa
Matt Bryden

Khabiirkan oo falanqayn ka bixinayay siyaasadda iyo xaaladda Kismaayo ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay ku suganyihiin xoogag kala duwan oo leh qorshayaal iyo dano kala gedisan oo sabab u ah xasilooni darada siyaasadeed ee ka taagan.




Dhinaca kale waxaa uu Matt Bryden uu ku taliayay in ay muhiim tahay in dawladda Soomaaliya ay ku dadaasho arrinta Kismaayo oo ah goob muhiim u ah dib u soo noolaynta nabadda Soomaaliya.

Waraysiga khabiirka oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:59 0:00
XS
SM
MD
LG