Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kismaayo oo Isgaarsiintii ay Dib u soo Noqotay


Kismaayo
Kismaayo
Xaaladda Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu soo warramayaa inay caadi ku soo noqonayso kadib dagaal magaaladaasi ka dhacay Sabtidii.

Khadkii isgaarsiinta ee magaalada oo hawada ka maqnaa dhowrkii cisho ee la soo dhaafay ayaa maanta si rasmi ah dib u soo noqday.

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah kuwa AMISOM ee magaalada Kismaayo ayaa maanta gudaha magaalada gaar ahaa suuqa iyo cisbitaal geeyay saxafiyiin Soomaali ah.

Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar aya ka mid ah saxafiyiin maanta magaalada Kismaayo ay ku soo wareejiyeen ciidamada Kenya, waxa uuna VOA u sheegay in xaaladda magaaladu ay haatan dagan tahay walow ay jiraan cabsi ay dadku ka qabaan in dagaal uu mar kale qarxo, maadaama ciidamadii dagaalmay ay weli magaalada ku wada sugan yihiin,

Wareysiga weriyaha ku sugan Kismaayo oo dhan halka hoose ka dhagayso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:08:10 0:00
XS
SM
MD
LG