Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM oo Cambaareysay Qaraxyada Somalia


Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNPOS, ayaa cambaareynaya weerarrada argagixisada ee ka dhacay Soomaaliya 15-kii maalmood ee u horreeyay bishan Februery ee sanadka 2013-ka.

Weeraraan ayaa waxaa ka mid ahaa dilkii loo geystay Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax “Gacamey” oo ka dhacay magaalada Garoowe.

Hadalkan ka soo baxay xafiiska UNPOS ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dilka gaadmada ah ee lagu khaarajiyay Dr. C/qaadir Nur Farax uu yimid wax yar ka dib markii weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay magaalada bartamaha ku taalla ee Gaalkacyo, kaasoo lala beegsaday saraakiil sare oo ka tirsan booliska Puntland.

Isla intii lagu gudajiray muddadaa, ayay UNPOS sheegtay in weerarro argagixiso ay ka daceen gobolada ku yaala bartamaha koofurta Soomalaiya, oo uu ku jiro weerar qarax oo loo adeegsaday gaari oo ka dhacay makhaayad ku taalla xeebta Lido ee magaalada Muqdisho, iyo sidoo kale dil loo geystay madaxii sirdoonka Degmada Shibis ee xaafadda Nasiib Buundo.

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q.M. ugu qaabilsan Soomalaiya, Dr. Augustine Mahiga, ayaa tacsi u diray qoysaska dadkii ay waxyeeladu soo gaartay, isgoo inta dhaawacantayna u rejeeyay inay dhaqso bogsodaan.

Dr. Mahiga ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay xoojiyaan go’aankooda ay kula dagaalamayaan argagixisonimada, iyagoo kala shaqeynaya masuuliyiinta sidii kuwa geysnaya dambiyada argagaxa leh loo horkeeni lahaa cadaaladda.
XS
SM
MD
LG