Khamiis, Bisha Labaad 11, 2016 Wakhtiga Geeska Afrika 05:21

    War / Soomaaliya

    Bandhig Faneed lagu Dhigay Muqdisho

    Fanaanadda Fartuun BirimoFanaanadda Fartuun Birimo
    x
    Fanaanadda Fartuun Birimo
    Fanaanadda Fartuun Birimo
    Sahra Nuur
    Fanaanadda Fartuun Axmed Sahal ( Fartuun Birimo) oo ka tagtay dalka Canada, maalmihii ugu dambeeyayna ku sugnayd magaalada Muqdisho, ayaa sheegtay in nabadgelyada ka jirta magaalada ay u suuro galisay inay bandhig faneed ka dhigto mid ka mid ah hoteelada Muqdisho oo ay iskugu yimaadaan dadwayne tiro badan.

    Fartuun birimo waxay sheegtay inay dalka ka maqnayd mudo ku siman 25 sano isla markaana ay wax badani iska bedeleen muuqaalkii ay filaysay inay ku arki doonto magaalada caasimada ah.

    Fartuun ayaa sheegtay inay haatan ku aragtay Muqdihso horumar dhinaca nabad gelyada iyo dib u dhiska ah oo ka socda magaalada.

    Wareysiga Fanaanadda oo dhameystiran halka hoose ka dhageyso.


    qubanaha

    qubanaha