Isniin, Bisha Shanaad 02, 2016 Wakhtiga Geeska Afrika 00:16

    War / Soomaaliya

    Qarax ka Dhacay Maqaayad ku Taalla Xeebta Liido

    Sawir Qaraxa Makhaayadda LiidoSawir Qaraxa Makhaayadda Liido
    x
    Sawir Qaraxa Makhaayadda Liido
    Sawir Qaraxa Makhaayadda Liido
    Qarax baabuur loo adeegsada ayaa goor dhaweyd ka dhacay maqaayad ku taalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

    Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaraxan, 3-kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida uu noo xaqiijiyey Qaasim Maxamed Nuur oo ka mida milkiilayaasha maqaayadda.

    Qaasim ayaa sheegay inuu u malaynayo inay qaraxan ka danbeeyeen kooxihii horey u qarxiyay makhaayado kale oo magaalada ku yaalla, wuxuuse sheegay in qaraxan uusan ka joojinayn shaqadooda.

    Maqaayaddan qaraxa lala eegtay ayaa waxaaa isticmaala dadka qurbo-joogta, ganacsato iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

    Wareysiyo qaraxa ku saabsan halka hoose ka dhageyso...

    Qubanaha VOA

    Qubanaha VOA