Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sh. C/qaadir Gacamey oo Garoowe lagu Dilay


Wararka ka imaanaya magaalda Garoowe ee maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in goor dhaweyd magaalada lagu dilay Sh. C/qaadir Nuur Faarax "Gacamey" oo ka mid ah culimada ugu caansn Soomaaliya.

Sh.C/qaadir Gacamey ayaa nin hubeysan uu ku toogtay isagoo salaadda casir ku dukanaya masjid yar oo ku yaalla meel u dhow gurigiisa.

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah ninka shiikha toogtay oo isku dayey inuu goobta ka baxsado ayaa waxaa gacata ku soo dhigay qaar ka mid ah dadka xaafadda oo u gacan galyey ciidmaada amaanka ee magaalada Garoowe.

Wararka ayaa intaas waxa ay ku darayaan in ninka weerarka geystay uu dhaawacay laba qof oo ka mid ahaa dadkii ku guuleystay inay soo qabtaan.

Wareysi ku saabsan dilka Shiikha C/qaadir Gacamey halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:12 0:00

Warbixin ku saabsan taariikh nololeedkii iyo waxqabadkii Sh. C/qaadir Nuur Faarax oo ay nooga warameen qaar ka mid ah culimadii taqaanay Shiikha halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:09:16 0:00
XS
SM
MD
LG