Isniin, Bisha Labaad 08, 2016 Wakhtiga Geeska Afrika 08:56

    War / Soomaaliya

    Machadka Heritage oo Baaq u Jeediyey Kenya

    Madaxa Machadka Heritage Cabdiraxmaan CaynteMadaxa Machadka Heritage Cabdiraxmaan Caynte
    x
    Madaxa Machadka Heritage Cabdiraxmaan Caynte
    Madaxa Machadka Heritage Cabdiraxmaan Caynte
    Machadka Heritage ee magaalada Muqdisho ayaa dowladda Kenya ugu baaqay inay joojiso qorshaha ay dib ugu celinayso qaxooti Soomaali ah oo ka badan nus malyuun oo ku sugan dalkeeda.

    Machadkan ayaa warbixintiisii u horreysay ee uu soo saaro diirada ku saaray qorshaha dib u celinta qaxootiga Somalida ee xeryaha Kenya ku jira.

    Machadku wuxuu ugu baaqay dowladda Kenya inay dowladda Soomaaliya kala shaqeyso qaab nidaamsan oo dadka loo celin karo.

    Sidoo kalena machadku waxa uu dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay diyaariso hay’addihii soo dhaweyn lahaa qaxootiga soo noqonaya

    Wareysiga Cabdiraxmaan Caynte halka hoose ka dhageyso.