Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Laanta Af-soomaaliga VOA oo 6 jirsatay


VOA Sannad-guurada lixaad
VOA Sannad-guurada lixaad
Laanta Af Soomaaliga ee VOA ayaa u dabbaaldegtay sannadguuradii 6aad ee ka soo wareegtay markii dib loo furay.

Taariikhdu markii ay ahayd 12kii bishii February ee 2007 ayaa waxaa dib hawada u soo gashay Laanta Af Soomaaliga ee idaacadda VOA, waxayna ka mid noqotay warbaahinta caalamiga ah ee ku hadasha luqadda Soomaaliga.

Baahinta VOA ayaa laga dhegaystaa dhammaan dhulka ay Soomaalidu degto ee Geeska Afrika. Sidoo kale waxaa laga daalacan karaa boggan Internet oo soo gudbiya wararka isla markaana suurtagaliya dhegaysiga idaacadihii hore u baxay.

Mudadii lixda sanno ahayd ee ay VOA hawada ku jirtay ayaa waxaa ay ka qayb qaadatay tabinta wararka Geeska Afrika.

Munaasabadda xuska sannadguurada 6aad awgeed ayaa Agaasimaha guud ee laamaha kala duwan ee idaacadda VOA, David Ensor, waxa uu shaaca ka qaaday in laanta Af Soomaaliga ee VOA ay noqotay mid kamid ah luqadaha ka baxa VOA kuwooda loogu dhegsiyga badanyahay.

Agaasimaha guud ayaa dhegaystyaasha Soomaaliyeed uga mahadceliyay kalsoonida ay siiyeen VOA, waxaana uu guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uu ugu hambalyeeyay marxaladda cusub ee ay Soomaaliya gashay.

Warbixinta sanadguurada lixaad ee Laanta Af-soomaaliga VOA halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:28:31 0:00
XS
SM
MD
LG