Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM oo Bogaadisay Hormarka Somalia


Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa ammaanay horumarka dhinaca siyaasadda iyo nabadgelyada ee Soomaaliya laga sameeyey bilihii ugu dambeeyey.

Ban Ki Moon oo toddobaadkan la hadli doona Golaha Ammaanka ayaa ku taliyey in dib u habayn lagu sameeyo doorka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Warbixinta Ban Ki Moon ayaa waxay kaloo ku talineysaa taageerada ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo dhismaha ciidamada qalabka sida ee Somalia. In la taageero qorshaha dowladda ee dib u heshiisiinta, xasilinta, nabad dhisidda, dib u dhiska hay’adaha maamulka dowlada dhexe iyo maamulada kala duwan ee dalka, iyadoo lala kaashanayo dalalka ama ururada iskaashiga la leh Somalia, iyo weliba dhameystirka dastuurka iyo in dalka ay ka qabsomaan doorashooyin sannadka 2016ka.

Waxaa kale oo warbixintu ay walaac ka muujisey xadgudubyada ka dhanka ah dumarka, suxufiyiinta iyo waxyeelada loo geysanayo dadka rayidka ah.

Falalka la dhaleeceynayo ayaa waxaa ka mid ah kufsiga, dilka weriyeyaasha iyo in carruurta loo qoro kooxaha ka dagaalamaya dalka Somalia.

Warbixintan Xoghayaha Guud oo uu baahiyay Xafiiska Arrimaha Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo soo jeedinayo Daud Aweys halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:06 0:00
XS
SM
MD
LG