Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kooriyada Woqooyi oo Nuklear Tijaabisay


Kuuriyada Woqooyi ayaa sheegtay inay tijaabadii sedexaad ee nukleerkeeda ay ku guuleysatay, iyadoo ka horimaaneysa digniinta Qaramada Midoobay ee ah inay joojiso hormarinta barnaamijkeeda hubka wax gumaada.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay Talaadan maanta ah, in tijaabadan nukleerka oo lagu sameeyey dhulka hoostiisa loo adeegsaday awood ka xooggan tijaabadii tan ka horeysay. Warbaahinta ayaa sheegtay in tallaabadani ay jawaab u tahay waxa ay ugu yeertay cadaawadda qar iska tuurka ah ee Maraykanka.

Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo isla-markiiba canbaareeyey talaabada Kuuriyada Woqooyi ayaa tijaabada nukleerka ku tilmaamay inay xadgudub weyn ku tahay cunaqabateynta caalamiga ah

Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama, ayaa tijaabadan ku sheegay meel ka dhac weyn, isagoo xusay inay qatar ku tahay ammaanka Mareykanka iyo nabadda caalamka

Wadanka Shiinaha oo ah saaxiibka ugu weyn ee Kuuriyada Woqooyi, ayaa sheegay inuu tijaabadan si weyn uga soo horjeedo

Diblomaasiyiin ayaa sheegay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu Talaadadan maanta ah kulan ku yeelan doono magaalada New York si ay uga jawaabaan talaabada Kuuriyada Woqooyi.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:11 0:00
XS
SM
MD
LG