Wednesday, August 20, 2014 Wakhtiga Geeska Afrika 23:25

War / Soomaaliya

Sharciyeynta Warbaahinta & Isgaarsiinta

Munaasabad lagu soo bandhigayey xeerkan cusub ee lagu maamulayo warbaahinta iyo isgaarsiinta Soomaaliya, ayaa waxaa goob joog ka ahaa qubaro xagga warfaafinta iyo Isgaarsiinta ah iyo sidoo kale xubno ka socda dhanka dowladda federaalka.

Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta, Boostada iyo Gaadiidka Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo la hadlay VOA, ayaa sheegay in xeerkani uu farayo shirkadaha isgaarsiinta iyo hay'adaha warbaahinta inay is diiwaan galiyaan oo ay sameystaan laysan ama ruqsad ay ku howlgeli karaan. 

Soo bandhiga xeerkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay su'aali ka taagan tahay xariga wariye Abdicasiis Koronto iyo gabar la sheegey in la kufsadey oo uu wariyahani wareystey.

Wareysiga wasiirka oo dhameystiran halka hoose ka dhageyso.