Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tunisia: RW Jebali oo ku Hanjabay inuu Iscasilayo


Kumanaan qof ayaa isku soo baxay, iyaga oo taageeraya xisbiga talada dalka haya ee Ennahda, xili Ra'iisla Wasaaraha dalka Xamaadi Jabaali uu ku hanjabay inuu is casili doono haddii la diido arrintii uu soo jeediyey ee ahayd inuu soo dhiso xukuumad dad xirfadlayaal ahi ka mid yihiin.

Ra'iisal Wasaare Jebaali ayaa Sabtidii shalay u sheegay telefishanka France-24 in uu xukuumad cusub soo dhisi doona bartamaha toddobaadka dambe, isaga oo intaas raaciyey in wasiiro aan dhinacna raacsaneyn loo baahan in la helo si Tunisia looga badbaadiyo “isku dhexyaac.” RW-ha ayaa sheegay in diyaar u yahay inuu xilka ka dego haddii uuna helin taageero siyaasadeed oo balaaran.

Mucaaradka ayaa soo dhaweeyey qorshaha Mr. Jebaali ee ah in la soo dhiso xukuumad dad xirfadlayaal ahi ku jiraan, laakiin xubnaha sar-sare ee xisbiga Ennahda ayaa arrintaas diiday. Qorshahan waxa lagu dhawaaqay Arbacadii ka dib dil loo geystay siyaasi mucaarad ah oo magac lahaa oo lagu magacaabayey Shukri Bilciid, kaasoo lagu dilay banaanka gurigiisa. Wax dilkan geystay dabley aan la aqoonsan.

Warbixin arrintaas la xiriirta waxa magaalada Qaahira inooga soo diray wariyaha VOAda ee dalka Masar, Xuseen Saxnuuni

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:37 0:00
XS
SM
MD
LG