Tuesday, July 29, 2014 Wakhtiga Geeska Afrika 17:44

War / Soomaaliya

Madaxweynaha oo la Hadlay Soomaalida Qaahira

Madaxweyne Xasan iyo QaahiraMadaxweyne Xasan iyo Qaahira
x
Madaxweyne Xasan iyo Qaahira
Madaxweyne Xasan iyo Qaahira
Hussein Sahnuni
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la hadlay boqolaal ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee Qaahira, isagoo u sheegay inuu madaxda Masar kala hadlayo dhibaatooyinka haysta jaaliyadda.

Jaaliyadda ayaa madaxweynaha u muujisay sida ay u garab taagan tahay dowladdiisa, iyadoo dhinaca kalena mas'uuliyiinta dowladduna ay halkaasi ka sheegeen inay wax ka qabanayaan dhibaatooyinka Soomaalida Qaahira ka haysta dhinaca waxbarashada iyo xabsiyada dalka Masar oo ay ku xiran yihiin tiro Soomaali ah.

Madaxweyne Xasan wuxuu magaalada Qaahira uga qeybgalay shir ay lahaayeen madaxda waddamada Islaamka.
Madaxweyne Xasan QaahiraMadaxweyne Xasan Qaahira
x
Madaxweyne Xasan Qaahira
Madaxweyne Xasan Qaahira


Dhageyso warbixinta weriyaha VOA Qaahira.
Dhageyso warbixinta weriyaha VOA Qaahira.i
|| 0:00:00
...
 
🔇
X