Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Laba Qarax oo ka Dhacay Magaalada Kismaayo


Kismaayo
Kismaayo
Laba Qarax ayaa ka dhacay maanta wadada laamiga ah ee bartamaha magaalada Kismaayo. Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in labadan qarax lala eegtay ciidamo Kenya ah oo wadadaasi marayay.

Labadan qarax oo la aaminsan yahay inay ahaayeen nooca miinada dhulka lagu aaso ayaan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ay dhaliyeen, hasse yeeshee Cabdinaasir Seeraar oo ah afhayeenka ururka Raaskanbooni ayaa VOA u sheegay in qaraxyadan lala eegtay ciidamada Soomaali ah oo wadadaasi marayay, qaarkoodna ay dhaawacyo ka soo gaareen qaraxaasi.

Dhinaca kale maanta waxaa magalada Kismaayo dib ugu noqday guddig ku howlan maamul u sameynta magalada Kismaayo oo ay weheliyanayeen xubno ka tirsan ururka IGAD oo maalmahan socdaallo ugu maqnaa deegaano hoostaga gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.
XS
SM
MD
LG