Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha oo VOA uga Waramay Safarkiisii London


Madaxweynaha Soomaaliye iyo Wariye Ridwaan Xaaji
Madaxweynaha Soomaaliye iyo Wariye Ridwaan Xaaji
Madaxweynaha oo waraysi gaar ah siiyay Laanta Af Soomaaliga ee VOA ayaa waxa uu tilmaamay in uu Ra’iisal wasaaraha Britain David Cameron uu kala hadlay doorka ay Britain ka qaadan karto dib u dhiska Soomaaliya.

Qodabada uu madaxweynuhu la soo qaaday Ra’iisal wasaare Cameron ayaa waxaa ka mid ahaa sidii gacan loogu siin lahaa xoojinta awoodda shaqo ee dawladda Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay oo Isniin ahayd magaalada London kula kulmay Ra’iisal wasaaraha Britain.

Dawladda Britain ayaa bisha May ee sannadkan qaban qaabinaysa kulan caalami ah oo ku saabsan Soomaaliya.


Waraysigan gaarka ah ayuu madaxweynaha Soomaaliya VOAda ku siiyay London ka hor intaanu u ambabixin magaalada Qaahira ee dalka Masar oo uu kaga qayb galayo shir madaxeedka wadamada Islaamka.

Dhinaca hoose ka dhegayso waraysiga madaxweynaha.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:02 0:00
XS
SM
MD
LG