Monday, October 20, 2014 Wakhtiga Geeska Afrika 12:39

War / Soomaaliya

Wariye Iyo Haweeney Lagu Xukumay Xabsi

x
Mohamed Olad
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ku riday wariye C/casiis Cabdi Nuur Ibraahin (Koronto), iyo haweeney sheegtay inay kufsi u geysteen rag ka tirsan ciidamada dowladda Somalia, oo uu wariyuhu wareysi la yeeshay.

Wariyaha oo ka tirsanaa idaacadda dalsan ee Magaalada Muqdisho  iyo haweeneyda ayaa lagu xukumay min hal sano oo xarig ah, ka dib markii sida maxkamadu sheegtay lagu helay, been abuurid war aan jirin, iyo aflagaado loo geystay Hay'ad Qqaran.

Wariye Cabdi Casiis ayaa loo taxaabay xabsiga halkaas oo uu xukunkiisa uga bilaabanayo, halka haweeneydii iyana la xukumay xabsigeeda dib loo dhigay, sababo la xiriira inay nuujineyso dhalaan.

Sadex qof oo kale oo dacwad loo heystay, oo uu ku jiro Seyga Luul Cali Cusman ayaa dacwadda lagu waayay oo la sii daayay.

Xukunkan oo dhowr jeer dib u dhacay ayaa waxaa horey u cambaareeyay, hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqda Aadanaha, Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo dalal kale oo fara badan.

Markii uu soo baxay xukunkan ayaa mar kale waxaa si caro leh uga jawaabay qaar ka mid ah hay’adaha xuquuqda Aadanaha oo ay ku jirto Human Rights Watch, oo ku tilmaantay xukunkan cadaalad la baal maray.
Qubanaha, VOA

Qubanaha, VOA

  • Idaacadda Subaxnimo
    30 min

    Idaacadda Subaxnimo

    Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii...

  • Idaacadda Fiidnimo
    60 min

    Idaacadda Fiidnimo

    Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey...

  • Idaacadda Galabnimo
    60 min

    Idaacadda Galabnimo

    Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka,...