Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo Bar Cusub ka Furatay Twitter


Ururka al-Shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya ayaa bar cusub ka furay shabakadda xiriirka bulshada ee Twitter-ka .

Furashada bartan cusub ayaa ka danbeysay kadib markii wax ka yar laba toddobaad hawada laga saaray bartii uu ururku kulahaa bogga Twitter-ka, taasoo la xiray markii lagu soo bandhigay sawir maydka askari Faransiis iyo fiidiyow muuqaal ah oo muujinaya laba qof oo Kenya u dhashay oo ururku afduub ahaan u haysto, kuwaaso uu ururku ku hanjabay in la dili doonaa.

Ururka al-Shabaab ayaa baraha bulshada qaarkood u adeegsada hanaan ay ku gudbiyaan fariimahooda.
XS
SM
MD
LG