Wednesday, June 19, 2013 Wakhtiga Geeska Afrika 15:41

War / Soomaaliya

Al-Shabaab oo Bar Cusub ka Furatay Twitter

x
Qiyaasta qoraalka - +
Ururka al-Shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya ayaa bar cusub ka furay shabakadda xiriirka bulshada ee Twitter-ka .

Furashada bartan cusub ayaa ka danbeysay kadib markii wax ka yar laba toddobaad hawada laga saaray bartii uu ururku kulahaa bogga Twitter-ka, taasoo la xiray markii lagu soo bandhigay sawir maydka askari Faransiis iyo fiidiyow muuqaal ah oo muujinaya laba qof oo Kenya u dhashay oo ururku afduub ahaan u haysto, kuwaaso uu ururku ku hanjabay in la dili doonaa.

Ururka al-Shabaab ayaa baraha bulshada qaarkood u adeegsada hanaan ay ku gudbiyaan fariimahooda.

Dhalinyarada & Tahriibka

video platformvideo managementvideo solutionsvideo player
Waa Kulan VOA ay ku Qabatay Hargeysa.