Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhageysiga Dacwadda Kufsiga oo Dib loo Dhigay.


Weriyayaal codsanaya in la siidaayo weriye Cabdicasiis.
Weriyayaal codsanaya in la siidaayo weriye Cabdicasiis.
Dhageysiga Dacwad ka dhanka ah gabadha sheegtay in la kufsaday iyo weriyaha ayaa maanta ka bilaabatay maxkamadda Gobolka Benaadir, balse dacwadaasi ayaa dib loo dhigay maalinta Talaadada ah.

Xeer ilaalinta kiiskan ayaa maanta soo gudbiyay qaar ka tirsan makhraatiyaasha oo ay su’aallo weydiiyeen qareennada difaacayay kiiskan. Prof. Maxameud Maxamed Afrax, ayaa VOAda u sheegay in marqaatiyaashooda aan la dhageysan .

Waxa uu sheegay in xeer ilaalintu ay sheegeen inay u harsanyihiin marqaatiyaal kale ayna maalinta Talaada horkeeni doonaan maxkamadda.

Dacwaddan ayaa maalmahanba qeylo dhaan ka dhex abuuray hay’adaha xuquuqda Aadanaha u dooda, beesha caalamka iyo qaramada Midoobay.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay shalay inay ka walaacsantahay xad gudubyo ka dhaca Somalia.

Afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Mareykanka Victoria Nullan ayaa tiri “Waxaanu ku biirineynaa codkeena beesha caalamka, inagoo walaac ka muujineyna – rabshadaha gacan ka hadalka iyo jinsiga ku saleysan, iyo dhibaateynta shaqaalaha caafimaadka iyo warbaahinta xorta ah ee Somalia. waxaanu ku boorineynaa dowladda Somalia inay ku dhaqanto oo ay dhowrto dastuurkeeda oo ay xuquuqda dadka iyo saxaafadaba ilaaliso .

Waxay intaasi ku dartay “waxaanan kala shaqeyneynaa dowladda Somaliya sidii ay u dhisi laheyd awoodeeda ku aadan wax ka qabashada arimahan, laakiin dhinaca kale waxaan si fudud u leenahay – dunidu wey idin daawaneysaa – waxaadna tijaabo u tihiin mustaqbalka Somalia”
XS
SM
MD
LG