Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya: Nafaqo la’aan laga Digay


Xaaladda nafaqa darrada ee Soomaaliya ayaa walaac laga muujinayaa, sida ay xustay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan cunnada iyo beeraha ee FAO

Hase ahaate, warbixinta oo soo baxday maanta oo Jimce ah ayaa xustay in hoos u dhac ku yimid tirada dadka Soomaalida ah ee u baahan gargaar bini’aadminimo tan iyo bishii August ee 2012kii.

Diyaarinta warbixintan ayaa waxaa ka qayb qaatay xaafiiska caalamiga ah ee digniinta Abaaraha.
Sida ay xustay warbixintu ku dhawaad Laba boqol iyo kunton kun oo carruur ah da’doodu ka yartahay shan sano ayaa waxa saamyeeyay nafaqa la’aanta.

Ugu yaraan shan iyo afartan kun oo carruurtaasi ka mida ayaa halis ugu jira heerka ugu sareeya ee nafaqa la’aanta.

Carruurtan ayaa intooda badan waxay ku noolyihiin gobolada ay colaaduhu ka jiraan ee koonfurta dalka.

Xaaladdan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah xaaladaha ugu xun caalamka.
Dhibaatada ayaa waxaa kaalin ka qaattay jiritaan la’aanta adeegyada asaasiga, sida caafimaadka, iyo biyo saafi ah oo la cabbo.

Dhinaca kale, waxa ay warbixintu xustay in gargaarka caalamiga ah iyo roobabkii da’ay ay Soomaalida ka caawiyeen in ay hoos u dhacdo xaaladdii cunno yaraanta.
XS
SM
MD
LG