Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Ka Dhacay Beledweyne Xalay


Dagaal muddo kooban socday ayaa xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne, ee xarunta Gobolka Hiran ,ka dib markii rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-shabab ay weerar ku qaadeen baro ay fadhiyeen ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Djibouti ee tirsan Xoogagga nabad ilaalinta Midowga Africa ee Amisom.

Rasaasta oo socotay muddo 30 daqiiqadood ah ayaa bilaabatay, Markii ragga ka tirsan Al-shabab ay weerar gaadma ah ku qaadeen, bar ay ciidamada dowladda Somalia ku leeyihiin xaafadda howl wadaag ee galbeedka Magaalada, gaar ahaan buundada Liiqliiqato, iyo Fariisin ay ciidamada Amisom ee Djibouti ku leeyihiin, suuqa xoolaha ee Magaalada ee isla xaafadda Howlwadaag.

Dadka degaanka ayaa sheegay in dhawaqa qoryaha culus iyo rasaasta ka dhacday qoryaha baasuukayaasha ay maqlayeen intii uu weerarka socday.

Weli wax faahfaahin rasmi ah lagama hayo qasaaraha ka dhashay weeraradii xalay laakiin Captain Samatar ducaale Migil – oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Djibouti ee bedelweyne ku suggan ayaa VOAda u sheegay in hoobiyeyaal lagu soo weeraray ciidamadooda isla markaana ay ka jawaabeen, ayna ku raad joogaan kooxdii hoobiyeyaasha ku soo tuurtay.

Waxaa kaloo uu sheegay in dad rayid ah ay wax ka soo gaareen hoobiyeyaashii ay kooxda Al-shabab soo tureen.

Waana markii ugu horeysay ee ciidamada Djibouti ee qeybta ka ah howlgalka Amisom la weeraro tan iyo markii ay magaalada Beledweyne tageen horaantii sanadkii 2012kii.
XS
SM
MD
LG