Tuesday, October 21, 2014 Wakhtiga Geeska Afrika 08:17

War / Soomaaliya

Somaliland oo ka Jawaabtay Digniinta Britain

x
Xafiiska Arrimaha Dibadda u qaabilsan Boqortooyada Ingiriiska ayaa ka Digay Khatar cusub oo muwaadiniinta reer galbeedka kaga soo fool leh Somaliland, waxaana xafiisku sheegay inay jirto khatar gaara oo la ogyahay inay ku wajahantahay muwaadiniinta ka soo jeeda wadamada Reer galbeedka ee jooga Somaliland.

Britain aya dadka u dhashay dalkeeda ee ku sugan Somaliland ugu baaqay inay dhakhso uga baxaan.

Xukuumadda Somaliland oo arrintaa ka jawaabeysay ayaa xalay hadal ay soo saartay waxa ku sheegtay Inaanay la qabin xukuumadda Britian cabsida amni ee ay muujinayso

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar Ayaa sheegay in Somaliland amaankeedu uu sugan yahay oo aaney jirin wax walaac ah ay xukuumadiisu ka qabto khatar dhinaca amaanka ah oo ka timaada Somaliland.

Waribixinta Jawaabta Soomaalind oo dhameystiran halka hoose ka dhageyso.

Qubanaha, VOA

Qubanaha, VOA

  • Idaacadda Subaxnimo
    30 min

    Idaacadda Subaxnimo

    Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii...

  • Idaacadda Fiidnimo
    60 min

    Idaacadda Fiidnimo

    Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey...

  • Idaacadda Galabnimo
    60 min

    Idaacadda Galabnimo

    Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka,...