Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Masar oo Ciidamo Dhigtay Suez.


Dowladda Masar ayaa ciidamo geysay magaala xeebeedka Suez maanta oo Sabti ah, ka dib markii madaxa amaanka ee gobolka uu ku dhawaaqay in xaaladu ay faraha ka baxday.

Madaxweynaha Masar, Morsi ayaa ku baaqay daganaan, isagoo ku booriyay dadka Masaarida inay fikradahooda si xor ah oo nabad ah ku cabiraan sidoo kalena ay diidaan rabshadaha.

Wasaaradda difaaca Masar ayaa sheegtay in ku dhawaad 400 oo qof lagu dhaawacay dibadbaxyo ka dhacay magaalooyinka, Qaahira, Alexandira, Port Saciid iyo Suez.
XS
SM
MD
LG