Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciimdada Afrika ee Mali oo la Kordhinayo


Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ciidamada Afrikaanka ah ee ka howlgalaya wadanka Mali la laba jibaari doono, ciidamadaas oo tiradii markii hore lagu yaboohay ay ahayd 3,300, Kordhinta ciidamada ayaa ujeedadeedu tahay inay gacan ka geysta dib u qabsashada wuqooyiga dalka oo ay ka taliyaan mintidiinta islaamiga ah.

Safiirka wadanka Ivory Coast u fadhiya Qaramada Midoobay ahna wakiila Ururka Wadamada Gabeedka Afrika ee Qaramada Midoobay Yousoufou Bamba, ayaa sheegay in ku dhawaad 1,000 askari hore loo sii geeyey wadanka Mali. Youssoufou Bamba ayaa Talaadadii shalay aheyd ku boorriyey Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay in dhaqaale iyo qalab degdeg ah ay ku taageeraan howlgalka ciidanka ECOWAS ee Mali.

Ciidamada Faransiiska iyo xoogagga Mali ayaa joojiyey weeraradii kooxaha xagjirka ah ay ugu soo siiqayeen dhinaca koofurta, kuwaasoo qabsaday inta badan wuqooyiga Mali ka dib afganbigii bishii March.

Wariye ka tirsan VOA oo ku sugan magaalada GAO ayaa sheegay in badi kooxaha Xagjirka ahi ay magaalada isga cararayeen ilaa iyo todobaadkii hore, taasoo daba socotay markii diyaaradaha dagaalka ee Faransiisku ay duqeeyeen goobaha ay heysteen.
XS
SM
MD
LG