Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dunida oo Soo Dhaweysay Kalka 2aad ee Obama


Madaxweyne Barack Obama oo maalintii shalay markii labaad xafiiska loo dhaariyey ayaa caleemasaarkiisa waxaa soo dhaweeyey wadamada caalamaka, iyadoo wadanka Shiinahu uu si taxadar leh rajo uga muujiyey xiriirka uu la leeyahay wadanka Maraykanka.

Wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua ayaa sheegtay Isniintii shalay in is aaminaad la’aanta dhinaca istaraatiijiyadda ay tahay caqabadda ugu weyn ee hor taagan xiriirka Shiinaha iyo Maraykanka.

Laakiin wasiirka Arrimaha Dibadda ee wadanka Shiinaha Hong Lei ayaa sheegay in xiriirka labada wadan oo si caafimaad qabta oo degen kor loogu qaadaahi ay tahay arrin ay dan wayni ugu jirto labada dal. Maraykanka iyo Shiinaha ayaa loo arkaa inay yihiin labada wadan ee dhaqaale ahaan ugu horeeya caalamka, laakiin badanaa waxay isaga hor yimaadaan arrimaha la xiriira ganacsiga iyo lacagta, sidoo kale waxaa jira is afgaranwaa la xiriira wadamada kuufur bari Asia ee badda basifigga.

Qaar ka mid ah dadka Afghanistan oo ay la hadashay idaacadda VOA ayaa sheegay in ay doonayaan in Mr. Obma uu muhiimadda siiyo barnaamijyada nabadda ee Afghanistan iyo inuu maalgaliyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka ee mudada fog iyo weliba baahida amaanka ee qaranka.

Guddoomiye ku xigeenka ururka Midowga Afrika Erastus Mwench oo isna ka hadlay caleemsaarka Obama ayaa sheegay in qaaraddu aaney wax sidaa u weyn ka filayn mudada lagu jiro kalka labaad ee xukunka Obama, laakiin uu jeclaan lahaa in la arko dhaqaalaha oo sameeya horukac cusub.
XS
SM
MD
LG