Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Caleema Saarka Madaxweyne Obama


Madaxweyne Barack Obama ayaa shalay lagu hor dhaariya xaflad koobneyd oo ka dhacday qol midab Buluug ah lagu dahaaray oo sida ukunta u sameysan oo ku dhex yaal Aqalka cad ee Magaaladan Washingon.

Waxaa goobta ay xafladu ka dhaceysay ku sugnaa, marwada madaxweynaha Michelle Obama, labadooda gabdhood, iyo koox wariyeyaal ah oo aan badneyn, oo daawanayay, iyo madaxa maxkamadda sare John Roberts oo Madaxweynaha Daarinayay.

Obama ayaa dhaarta ka dib gacan qaaday, Madaxa Maxkamadda Sare, waxa uu dhunkaday xaaskiisa iyo labadiisa gabdhood -isagoo ku lahaa – waan gaaray –
Waxey aheyd markii toddobaad taariikhda Mareykanka, oo madaxweyne la dhaariyo maalin axad ah, ka hor inta aysan dhicin xafladda caleema saarka.

Taana waxaa ugu wacan Dastuurka Mareykanka ayaa dhigaya in waqtiga Madaxweynayaasha cusub uu bilowdo 20ka bisha January ee ku xigta doorashada.

Maanta oo Isniin ah ayaa madaxweynaha mar kale lagu hor dhaarin doonaan xafladda caleema saarka oo ka dhaceysa congresska, isagoo mar kale gacanta saari doona – kitaabkii Bible ee uu isticmaalay Madaxweynihii 16aad ee Mareykanka Abraham Lincoln – caleema saarkiisii sanadkii 1861kii.

Waxa sidoo kale uu ku dhaaran doona, xaflad goor dambe oo maanta ah dhaceysa -kutub uu lahaa, hogaamiyihii -dhaqdhaqaaqii xuriyadda madaniga ah ee dadka Madow ee Mareykanka Dr. Martin Luther King.

Faras Magaalaha Washington ayaa waxaa la adkeeyay amaanka waxaa la xiray inta badan jidadka gala goobta ay xafladda ka dhaceyso.

Xafladda Caleema saarka ee madaxweynaha ee maanta ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan dad lagu qiyaasay 800 oo kun, inkasoo aan la fileyn inay noqoto mid la mid tii 2009kii markii loo caleema saaray Obama afartii sano ee uu soo dhameystay, isagoo ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee madow ah oo dadka mareykanka ay doortaan.

Hase yeeshee malaayiin qof ayaa ka kala socon doonta caleema saarka shaashadaha telfishanada, Mareykanka iyo caalamkaba.

Madaxweyne Obama, 51sano jir ah ayaa waxaa u bilaabaneysa shaqada afarta sano ee soo socota loo doortay, iyadoo dadka Mareykanka ay qabaan dareen isugu jira rajo iyo rajo xumo, gaar ahaan dhaqaalaha, iyo awoodda ay madaxda labada xisbi ee mareykanka u leeyihiin inay dhinac isaga dhigaan kala qeysanaanta siyaasadeed oo ay xoogga u wada saari karaan kobcinta dhaqaalaha, abuurista shaqooyin, iyo xal u helidda muranka miisaaniyadda dowladda.

Rajada laga qabo in 4ta sano ee soo socota uu wax weyn qaban karo Madaxweynaha ayaa sareysa, rayi baaris lagu sameeyay dadka Mareykanka ayaa muujineysa in inta badan dadka Mareykanka ay rajo wanaagsan ka qabaan afartan sano ee dambe ee loo doortay Obama, laakiin in ka yar kala bar dadka Mareykanka ayaa aaminsan – in Madaxweynaha iyo mudanayaasha xisbiga Jamhuuriga ay awoodi doonaan inay wada shaqeeyaan.

12ka bisha February ayuu madaxweyne Obama jeedin doonaa qudbaddiisa qaran, taasoo la filayo inuu u isticmaalo, ka hadalka qorshihiisa siyaasadeed ee afartan sano ee u bilaabatay – gaar ahaan dhaqaalaha, isbedel lagu sameeyo sharciga socdaalka iyo jinsiyadaha, sharciga iyo ka soo bixidda ciidamada dagaalka Mareykanka ee dalka Afghanistan.

Waxyaabaha horyaala Madaxwyenaha waxaa kaloo ka mid ah, la dagaalanka argagixisada oo hadda isku fidisay wadamo ku yaala waqooyiga Africa.

Falanqeyn iyo warbixino ku saabsan caleemasaarka Madaxweyne Obama halka hoose ka dhagayso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:30:42 0:00
XS
SM
MD
LG