Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tirada Tahriibayaasha Gala Yemen oo Korortay


Hay’adda Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegeysa in sanadkii 2012-ka ay sare u kacday tirada dadka qaxootiga ah iyo kuwa muhaajiriinta ah ee ka imaanaya gobolka Geeska Afrika ee dhinaca badda u soo maraya waddanka Yemen, taasoo gaartay in ka badan boqol iyo toddoba kun.

Hay’adda UNHCR ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay Talaadadan maanta ah ku sheegeytay in tiradaasi ay ka badan tahay tii sanadkii 2011-kii oo ahayd boqol iyo saddex kun. Hay’addu waxay sheegeysaa in tobankii muhaajiriin ahiba ay siddeed ka mid ahi yihiin dad ay dhalashadoodu tahay Ethiobiyan, halka inta ka soo hartayna ay yihiin dad Soomaali ah. Qaar badan oo ka mid ah muhaajiriintaasi ayaa u isticmaala dalka Yemen marin ay u sii maraan waddamada khaliijka.

Hay’adda UNHCR ayaa sidoo kale waxa ay sheegeysaa, in inkastoo ay waddanka Yemen ka jiraan dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwo amni, ay haddana wali waddo inay marti galiso tiradii ugu badneyd ee dadka gobolka geeska Africa uga soo cararay si ay u helaan amni iyo dhaqaale roon.

Hay’addu waxa ay intaa raacisay in dadka Soomaalida ah ee gaara dalka Yemen markiiba loo aqoonsado qaxootinimo, halka kuwa Ethipoiyanka ah iyo kuwa kale ee ka yimid waddamada kale ee magangalyo doonka ah ay isku duweyso inay go’aan ka gaarto inay u aqoonsato qaxooti.


UNHCR ayaa sheegeya in qaxootiga cusub ay la kulmaan qaraxyo, tacadiyo, iyo xadgudubyo dhinaca galmada ah.

Waddanka Yemen ayaa hadda waxa uu hoy u yahay qaxooti ay tiradoodu kor dhaafeyso 236,000 , kuwaasoo ay badankood yihiin Soomaali. Waxaa sidoo kale jira dad tiradoo ka badan tahay 300,000 ah yamaniyiin oo ku dhex barakacay gudaha waddanka..
XS
SM
MD
LG