Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askari Faransiis ah oo lagu Dilay Soomaaliya


Wasaaradda difaaca Faransiiska ayaa sheegtay in hal askari uu ka dhintay mid kalena la la'yahay kadib weerar ay ciidankoodu ka fuliyeen Somalia si ay u soo furtaan lahayste Faransiis ah oo Soomaaliya lagu haystay tan iyo sannadkii 2009.

Saraakiil Faransiis ah ayaa sheegay in lahaystaha Faransiiska oo lagu magacaabo Denis Allex lagu dilay weerarkaasi lagu soo furnayay.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in ay dileen 17 dagaalyahaniinta Soomaalida ah.

Ururka Alshabaab ayaa sheegay in Alex Denis uu weli nool yahay, uuna ka fogaa goobta lagu dagaalamay, waxayna Alshabaab ku tilmaantay qorshii soo furashada Alex Denis mid guul dareystay.

Weerarka soo furashada ayaa bilowday kadib markii ciidamo ka tirsan kumaandoosta Faransiisku oo watay diyaaradaha helicopterradu ay weerareen guri ku yaalla tuulada Buula-Mareer oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Goobjoogayaal ku sugan Buula-mareer ayaa sheegay inay maqleen rasaas iyo qaraxyo wax yar ka dib markii diyaaradaha qumaatiga uu kaca helicopters-ku ay soo weerareen halkaasi. Sidoo kalena waxa ay sheegeen inay arkeen dadku dhintay dagaalka, inkastoo aysan kala cadeyn dadka dhintay.
XS
SM
MD
LG