Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saylac: Dibadbax Dhimasho iyo Dhaawac Keenay


Wararka ka imanaya degmada Seylac ayaa sheegaya in hal qof uu dhintay in ku dhow 10 kalena uu dhaawac kasoo gaadhey rasaas ay ciidamada amaanku u adeegsadeen dad iskugu soo baxay mudaharaad ay ku diidanaayeen xil wareejinta duqa degmada Seylac oo maanta lagu waday inay qabsoonto. Dadka ku dhaawacmay ayaa la qaaday dhinaca Jamhuuriyada Djibouti.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Salal Maxamed Muuse Bucul ayaa VOA u sheegay inuu ka mid ahaa dadkii soo abaabulay mudaharaadkaasi ayaa sheegay in ay cabashadoodu salka ku hayso muranka ka taagan natiijadii doorashadii deegaanka ee degmada Seylac, isagoo xukuumaada ku eedeeyay inay degmadooda musuq maasuq ku samaysay sidaas aawadeedna aysan raali ka ahayn xil wareejinta.

Wareysi arrintaas la xiriira hoosta ka dhageyso.
XS
SM
MD
LG