Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Dhagaxley oo Dilay 2 Qof.


Wicitaanka: Guddoomiyaha Xerada Dhagaxley, Dhadhaab
Wicitaanka: Guddoomiyaha Xerada Dhagaxley, Dhadhaab
Qarax ka dhacay makhaayad ku taala xerada qaxootiga Dhagaxley ee Dhadhaab ayaa waxaa ku dhintay laba qof, halka toddobo qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Shariif Cabdalla oo ka tirsan booliska xeryaha Dhadhaab ayaa VOA u sheegay in koox aan la garanayn ay xalay bambo-gacmeed ku tuureen makhaayad ay dad fadhiyeen.

Shariif wuxuu sheegay in weerarkaasi ay ka danbeeyaan dad lagu tuhunsan yahay inay ka mid yihiin taageerayaasha ururka al-Shabaab, wuxuuna sheegay in weerarkani uu daba-socdo ama aargoosi u yahay howlgal ay ciidamada amnigu ku oo qab-qabteen dad taageersan al-Shabaab.

Xeryaha Dhadhaab waxaa ku soo badanaya qaraxyada iyo amni-darada ay geysanayaan kooxo hubeysan.
XS
SM
MD
LG