Isniin, Bisha Sideedaad 03, 2015 Wakhtiga Geeska Afrika 03:25

War / Maraykanka

Hillary Clinton oo Cusbitalka La Dhigay

Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Cusbitalka la dhigay, ka dib markii dhiigeeda laga helay Xinjiro ka dhashay jug dhawaan Madaxa kaga dhacday

x
Mohamed Olad
Xoghayaha Arimaha dibadda ee Mareykanka Hillary Clinton ayaa la dhigay cusbitalka, ka dib markii, madaxeeda laga helay, gunud dhiig ah ama xinjireysatay, taasoo loo maleynayo inay ka dhalatay jug dhawaan madaxa ka gaartay.
 
Wasaarada Arimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in dhaqaatiirta daweyneysa Mrs. Clinton ay ka heleen xinjirtaasi, baaris jugta madaxa ka soo gaartay lagu eegayay oo ay ku sameeyeen axadii shalay.
 
Waxey sheegeen in xinjirta ama gunudka dhiigga ah ay xiriir la leedahay jug madaxa ka gaartay, ka dib markii ay dhacday dhowr todobaad ka hor.
 
 
Clinton ayaa lagu daweynayaa dawooyinka xinjiraha la dagaalama cusbital ku yaala magaalada New York, waxana la filayaa in halkaasi ay ku sii jirto oo lagu baxnaaniyo labada maalmood ee soo socota.
 
Warka ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda Mareykanka waxaa lagu sheegay in dhaqaatiirta Clinton ay sheegeen inay sii wadi doonaan inay xaaladeeda sii qiimeeyaan, si ey go’aan uga gaaraan hadii talaabo dheeri ah loo baahanyahay.
 
Mrs. Clinton ayaa xanuunsaneyd todobaadyadii dhawaa, iyadoo la tacaaleysay virus kaga dhacay caloosha, oo ku qasabay inay baajiso kulamo ay ka qeybgali laheyd iyo safaro ay u bixi laheyd.
 
21kii December, waxaa ku dhacay fuuq-bax ay u suuxday, iyadoo la il dareyd jug madaxa ka soo gaartay, ka dib markii ay dhacday.
 
Ilaa iyo axadii shalay, ka hor inta aan la geyn cusbitalka waxey ku baxnaananeysay gurigeeda.

Barnaamijyada Idaacadda

JavaScript wuu kaa dansan yahay ama waxaad haysataa Adeegga Flash Adobe Player oo qadiim. soo hel Flash player ugu danbeeyay.
  • Obama oo khudbad u jeediyay Midowga Africa
  • Kulan uu Obama la qaatay xukuumadda Ethiopia, July 27, 2015.
  • Shir jaraaid oo Obama iyo RW Ethiopia ay ku qabteen Addis Ababa
  • Sawirka Barack Obama iyo Hailemariam Desalegn ee garoonka Bole ee Addis Ababa, Ethiopia, July 26, 2015.
  • Obama oo khudbad u jeediyay dadka Kenya
  • Kenyatta oo Obama ku soo dhaweeyay aqalka madaxtooyada Kenya
  • Madaxweyne Barack Obama iyo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta oo shir jaraaid oo wadajir ah qabtay kadib markii uu dhammaaday shir ay ku yeesheen aqalka madaxtooyada Nairobi, July 25, 2015.
  • Obama oo ka qeybgalaya shir uu aqalka madaxtooyada kula yeeshay dhigiisa Kenya Uhura Kenyatta
  • madaxweynaha Kenya iyo dowladdiisa oo shir aqalka madaxtooyada kula yeeshay madaxweyne Obama iyo saraakiishiisa.
  • Obama iyo Kenyatta oo ku sugan shirka hal abuurka ganacsiga ee Nairobi
  • Obama oo ka hadlaya shirka hal abuurka ganacsiga Nairobi
  • madaxweyne Uhuru Kenyatta, oo daawanaya mar uu Barack Obama, marxabeynayay gabadha ay walaalaha yihiin ee Auma Obama, July 24, 2015, in Nairobi, Kenya.
  • Obama oo ubax dhigaya halkii ay ka dhaceen weeraradii safaaradda Maraykanka ee 1998.
  • Obama oo salaan ka qaadanaya ciidanka baanboyda Kenya
  • Ciidamada Police-ka Kenyan oo ilaalinaya waddooyinka magaalada Nairobi, July 24, 2015.
  • Sawir labada madaxweyne
  • Calamada Kenya iyo Maraykanka oo lagu iibinayo waddooyinka Nairobi, Kenya
  • Kenya
  • Sara Obama, oo ayeeyo u ah madaxweyne Obama oo raacaysa diyaarad u qaadaysa Nairobi si ay halkaasi ugula kulanto madaxweyne Obama
  • Africa Obama Mania Photo Gallery
  • Africa Obama Mania Photo Gallery
  • Africa Obama Mania Photo Gallery
  • Kenya Obama
  • Africa Obama Mania Photo Gallery
  • Kenya Obama
  • Crowds of Kenyans cheer and hold a painting representing US President Barack Obama near Memorial Park, in Nairobi on July 25, 2015.
  • Dadka Kenya oo waddooyinka ku dabbaaldegaya iyagoo wata calanka Maraykanka. July 24, 2015. (Photo: Aru Pande / VOA)
  • Obama oo uu soo dhaweeyay Kenyatta
  • Obama oo ubax ka guddoomay gabar yar markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta., July 24, 2015.
  • Obama oo qoyskiisa kula kulmay hotel ku yaalla Nairobi, Kenya, July 24, 2015.
  • Obama oo ka dagaya garoonka jomo Kenyatta