Isku xirrada

War Deg-Deg ah

MSF oo ka Hadashay Qaxootiga Soomaalida ee Kenya


Hey’adda MSF ayaa walaac ka muujisey xaaladda caafimaad ee ka dhalan karta hadalkii dhawaantan ka soo yeerey dowladda Kenya ee kumanaan qaxooti ah ku cadaadinayey, inay ka taagaan deegaanada magaalooyinka oo ay aadaan xeryaha qaxootiga ee ku yaalla dalka Kenya.

Hey'adda MSF ayaa qoraalkeeda ku sheegtey in qataro xagga cafimaadka ah ay ka dhalan karaan xilli roobaadyada, gaar ahaanna laga baqayo cudurada safmareenka ah iney dillaacaan, kuwaasoo dhibaateyn kara dadka taagta daran ee ku nool xeryaha qaxootiga

Hey’addu waxaa kale oo ay xustey in gargaarka Dhadhaab lagu bixiyo uu yahay mid aan dabooli karin baahida dadka sida uu xusey Dr. Elena Velilla oo ah madaxa howl-wadeenada MSF ee Kenya, waxaa kaloo uu intaas ku darey in xaaladda amaan-darada ee ka jirta xeryahaas awgeed aysan MSF kor u qaadi karin howlaheeda gargaarka, isla markaana aanan howlaha xerada gabi ahaanba la kordhin karin hadii ay qaxootigu soo buuxiyaan ama ay timaado baahi degdeg ah.

MSF ayaa sheegety in bishii la soo dhaafey ay laba laab kor u kacdey caruurta ay nafaqadaru soo ridaneyso ee la geeyey isbitaalada MSF ee Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab.

MSF waxa ay ugu danbeyntii xustey in wal-walkeeda ugu weyn uu yahay in go’aanka Kenya uu ku reebo qaxootiga dhibaato bani’aadannimo hadii ay ku laabtaan nolosha xeryaha oo hadaba aad u liidata.
XS
SM
MD
LG