Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masaarida oo u Codaynaya Dastuurka Cusub


Dadka Masaarida ee ku nool 17 gobol oo ka tirsan dalkaasi ayaa maanta oo Sabti ah u dareeray goobaha codbixinta si ay uga qeybgalaan wareegga labaad ee aftida loo qaadayo dastuurka cusub ee muranka dhaliyey.

Natiijo aan rasmi aheyn oo ka soo baxday wareegii koowaad oo dhacday toddobaadkii hore ayaa waxa ay muujinaysaa in boqolkiiba 57 ay dadku ansixiyeen dastuurka cusub.

Dastuurkan waxaa taageersan xisbiga Akhwaanul Muslimiinka oo uu hore uga tirsanaa madaxweynaha Masar Maxamed Mursi

Xubno ka tirsan cilmaaniyiinta iyo masiixiga mucaaradka ah ayaa ka cabsi qaba in dastuurku uu meesha ka saaro xuriyadda dadka, iyadoo taa ku sababeynaya in dastuurku uu xoojinayo kaalinta shareecada islaamka iyo in dastuurka aan lagu qeexin xuquuqda haweenka.

Dastuurka ayaa waxaa meel mariyey gole ay islaamiyiintu ku badan yihiin kadib markii xubnaha kooxaha afkaartoodu furfurantahay iyo masiixigu ay diideen, iyagoo ka cabanayay in aragtidooda la iska indho tiray.
XS
SM
MD
LG