Monday, October 20, 2014 Wakhtiga Geeska Afrika 12:39

War / Soomaaliya

Markabkii laga Kaxaystay Dekedda Boosaaso oo la soo Celiyey

x
Markabkii MV Daeson, ee habeen hore askar ka tirsan maamulka Puntland ay ka kaxeysteen dekedda Boosaaso,  ayaa hadda dib loogu soo celiyey isla dekedda magaaladaas. 

Markabkan ayaa xilli hore maamulku uu ka soo qabtay xeebaha Buruc, degmada Qandala ee gobolka Bari, kadib markii markabka lagu eedeeyey inuu xeebaha ku daadiyay shamiito qoyan oo uu ka soo celiyay dekedda Muqdisho markii ay diideen ganacsatadii loo waday.

Goobjooge ku sugan dekedda magaalada Boosaaso ayaa VOAda u xaqiijiyey warkan. Maamulka Puntland ayaan isagu ka hadlin qafaalashada markabka iyo soo celintiisa midkoodna.

Markab waxaa saaran 33 shaqaale ah, waxaana laga leeyahay dalka Kuuriyada Waqooyi
Qubanaha, VOA

Qubanaha, VOA

  • Idaacadda Subaxnimo
    30 min

    Idaacadda Subaxnimo

    Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii...

  • Idaacadda Fiidnimo
    60 min

    Idaacadda Fiidnimo

    Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey...

  • Idaacadda Galabnimo
    60 min

    Idaacadda Galabnimo

    Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka,...