Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masar oo Afti u Qaadaysa Dastuurka Cusub


Dadka Masar ayaa maanta codkooda ka dhiibanaya wareegga koowaad ee afti loo qaadayo dastuurka cusub ee dalkaasi oo muran badan ka dhex-dhaliyay Masaarida.

Boqolaal kun oo qof ayaa safaf dhaadheer u galay goobaha codbixinta ee siddeed gobol oo dalkaasi ka tirsan.

Ciidamada kabadan 100 kun ayaa la dhigay goobaha codbixinta si ay u sugaan amniga. Ilaa hadda codbixinta ayaa ku socota si nabadgelyo ah.

Ururka Akhwaanul Muslimiin iyo kooxaha Islaamiyiinta ayaa taageersan dastuurka oo doonaya in la ansixiyo, balse waxaa si weyn uga soo horjeeda kooxaha mucaaradka oo iyagu ku doodaya in dastuurkan qodobadiisa aysan ku jiraan qodobo aan ilaalinayn arrimaha xuquuqda aadanaha.

Mucaaradku waxay dadka Masar ugu baaqeen in "Maya" lagu codeeyo aftida datuurka loo qaadayo.

Toddobaadka danbe maalinta Sabtida ah ayaa la filayaa in wareegga labaad ee Aftida la qabto.
XS
SM
MD
LG