Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kuuriyada Waqooyi oo Hawada u Dirtay Gantaal


Kuuriyada Waqooyi ayaa goor sii horeysay maanta oo Arbaca ah hawada u dirtay saaruukh nooca ridada dheer ah kaasoo sida ay sheegtay waday dayax-gacmeed.

Gantaalkan ayaa laga ganay koonfurta dalkaasi. Canbaareyn caalami ah.

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhagaha ka laabatay digniinaha caalamiga ah ee loogu baaqayo dalkaasi inuusan ridin wax gantaal ah.

Beesha caalamka ayaa si weyn u canbaareysay talaabadan ay Kuuriyada Waqooyi ku gantay gantaalkan, iyagoo sheegay in qorshaha Kuuriyada Waqooyi uu yahay mid ay ku doonayso inay tijaabiso gantaallada ridada dheer ee balaastikada.

Kuuriyada Waqooyi ayaa bishii April ee sannadkan waxay hawada u direen gantaal, hasse yeeshee gantaalkaasi ayaa isla markiiba qarxay.

QM ayaa soo saartay qaraarro mamnuucaya tijaabinta hubka ridada dheer.
XS
SM
MD
LG