Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Milatariga Masar oo ku Baaqay Wada-hadalo Midnimo Qaran


Protesters gather in Tahrir Square in Cairo, Egypt, December 11, 2012.
Protesters gather in Tahrir Square in Cairo, Egypt, December 11, 2012.

Ciidamada Milatariga Masar ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadda ee dalkaasi wada hadal Midnimo Qaran, si xal loogu helo mushkiladda siyaasadeed ee dalkaasi ka taagan

Generalka ugu sareeya ciidamada dalka Masar, ahna wasiirka gaashaandhigga, ayaa ku baaqay wada hadalo dhex mara, madaxweyne Morsiga dalkaasi ee ay Islaamiyiintu taageeraaan iyo mucaaradka cilmaaniga ah, isku day lagu doonayo in lagu xaliyo mashaakilka siyaasadeed ee sii xumaanaya ee dalkaasi ka taagan.

Codsigan Midnimo Qaran ee ka soo General Abdel Fattah al-Sissi ayaa ku soo beegmaya, xilli kumanaan kun oo dibad baxayaal ah ay buux dhaafiyeen bartamaha magaalada Qaahira, kuwaa oo qaarna ay ka soo horjeedaan, kuwo kalena ay taageerayaan afti u qaadista dastuurka dalkaasi.

Racfaan qaadista dastuurka oo lagu wado in la qabto maalinta sabtida ah ee soo socta ayaa waxaa taageersan, taageerayaasha islaamiyiinta ee Madaxweyne Morsi, waxaana dhinaca kale si weyn uga soo horjeeda isbaheysiga ururada mucaaradka oo ay ku bahoobeen cilmaaniyiinta, qolyaha afkaartoodu fur furantahay, iyo taageerayaasha Taliskii Madaxweynihii hore ee Masar, Xusni Mubarak.

Mucaaradka oo horey isaga indha tiray wada hadalo ay ku baaqeen ciidamada, ayaa sheegay in saakay oo arbaca ah ay ka fekerayaan in wada hadaladaasi ay ka qeyb-galaan iyo in kale
XS
SM
MD
LG