Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mucaaradka Masar oo Ku Baaqay Dibad-baxyo Waaweyn


Mucaaradka dalka Masar ayaa ku baaqay dibad baxyo waaweyn, iyadoo shan maalmood ay ka harsantay, afti u qaadista dastuurka dalkaasi

Isbaheysiga Mucaaradka Afkaartoodu furfurantahay ee dalka Masar ayaa si rasmi ah u diiday, qorshaha madaxweyne Maxamed Mursi ee ah in aftida dastuurka cusub ee dalka Masar la qabto 15ka bishan Decemeber, dastuurkaas oo badankiis ay hindiseen, Islamiyiinta xulufudada la ah Madaaxweynaha.

Hadal ay soo saareen gelinkii dambe ee axadii shalay, ayuu afhayeen u hadlay Xisbiga Badbaada Qaran, ee National Salvation Front, waxa uu ku sheegay, dastuurka cusub ee qabya qoraalka ah uusan, ka turjumeyn rabitaanka shacabka Masar.

Waxa uu sheegay in afti loo qaado dastuuka noocaasi ahna ay horseedi doonto oo kaliya iska horymaadyo baahsan oo dalkaasi ka dhaca.

Madaxweyne Morsi ayaa wareegto uu soo saaray sabtidii, wacad ku maray in Aftidaasi la qaban doono waqtiga loogu talagalay, waxuuna sidoo kale tanaasul u sameeyay mucaaradka,. Isagoo nasakhay qeybo ka mid ah wareegtadiisii uu awooda ku kororsaday ee soo baxday 22kii bishii November.

Qaar badan oo ka mid ah Cilmaaniyiinta masar ayaa ka cabsi qaba in dastuurka cusub uu meesha ka saaro xuriyadda dadweynaha, maxaa yeelay bey yirahdeen, inkastoo uu sare u qaadayaa doorka diinta Islamka, hadana laguma xusin xuquuqda dumarku ay leeyihiin.
XS
SM
MD
LG